1 min read

Maamulka Puntland oo soo saartay Amaro la xiriira Amniga Magaalada Garowe.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa qabaty looga hadlay amniga  ee Puntland, gaar ahaan Amniga Magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland, waxaana intii shirku socday looga wada hadlay xaaladda Amniga Guud ee Puntland, ku dhaqanka xeerka Amniga Caasumadda oo baarlamaanku meelmariyey.

Shirka ayaa intii uu socday waxa ka qaybglay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maamulka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga  Puntland Ismaaciil Saleebaan Geelle, La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire, Taliyaha La dagaalanka Argaxisada iyo Mukhaadaraadka Generaal Muxiyadiin Axmed Muuse, iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa laga soo saaray Awaamir la xiriira Amniga Puntland gaar, ahaan Magaalada Garowe .

Awaamirta laga soo saray shirka ayaa ah:

  1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucanay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan caasumadda. dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaa Xeryahooda si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah,
  2. In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga,
  3. In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga,
  4. In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka,

In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland.