1 min read

Turkey oo sheegtay inaan lagu cadaadi karin inay Sweden u ogolaato NATO.

Turkey ayaa Talaadadii ka digtay inaan lagu cadaadin karin inay taageerto isku dayga ay Sweden ku dooneyso inay ugu biirto NATO, waxayna sheegtay inay weli qiimeyneyso in soo-gelitaanka dalka Nordic-ga ay caawin doonto ama dhaawici doonto isbaheysiga.

Hadallada Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa yimid laba maalin kahor inta aanu dhiggiisa Sweden kula kulmin Brussels si ay uga wada hadlaan damaca Stockholm ay ku noqoneyso xubinta 32-aad ee NATO.

NATO ayaa rajeyneysa inay Sweden kusoo dhoweyso xulufada kahor kulan madaxeedka ka dhacaya Lithuania 11-ka illaa 12-ka July.

Hase yeeshee, Turkey iyo dalka kale ee xubinta ka ah NATO ee Hungary ayaa diidan inay ogoladaan Sweden, sababo la xiriira murano kala gaar gaar ah oo kala dhaxeeya.

Dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa qasab ah inay wada ogolaadaan si dal cusub uu xubin uga noqdo isbaheysiga.

“Marnaba ma ogolaaneyno isticmaalka cadaadiska waqtiga,” Fidan ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id.

Ankara ayaa waxaa ka careysiiyey go’aanada ay Sweden ku fasaxday dibad-baxyo ay dad Islaamka neceb ay bogag ka mid ah qur’aanka ku hor gubeen safaaradda Turkey ee Ankara iyo Masaajiddo.

Dibad-bixii ugu dambeeyey ayaa maalintii koowaad ee Ciidul Adxa ka dhacay magaalada Stockholm.

Fidan ayaa dhacdooyinkaas ku sheegay inay tusaale u yihiin in Sweden ay ku guuldarreysatay inay ka dhabeyso ballan-qaadyadii ay sameysay markii hore ee ay ku guuleysatay taageerada Turkey sanad kahor markii ay codsiga NATO ku gudbisay Madird.

“Hannaanka amni ee Sweden awood uma lahan inuu joojiyo kicinta, tani macnaheedu ma ahan inay awood dheeri ah keenayaan NATO balse dhibaato dheeri ah,” ayuu yiri.

“Marka ay noqoto xeeladda iyo amniga, marka aan ka wada-hadleyno xubinnimada Sweden ee NATO, waa su’aal la xiriirta haddii ay noqon doonto faa’iido ama culeys.”

AFP