1 min read

Qandaf Qandaf badan Aniga iyo Adiguba waan galnay ee Allaah ha naga Cafiyo.

Qof kasta oo wixii ummadda ka dhexeeyay xado Qiyaamaha iyada oo Dusha ka saaran oo la wada arkayo ayuu Sanado badan la taagnaanaa, kadibna Bururuc.

Waxaa ka sii daran

Haweenoow

Haweenka, iyada oo kaligeed ah oo aan Qofi arkeeyn oo Allaah Hortaagan oo kaligeed Qolkeeda oo u xiran ku dhax jirto oo Salaad Tukanee ayaa la faray in ay Jirkeeda asturto.
Maxaad u maleeynee haddii Dadka oo dhan Hortiisa ay qeyb ka mid ah jirkeeda ku asturi weeydo.

Raggoow

Ragga, iyagana waa la faray in qeybo jirkooda ka mid ah ay asturaan, waxaaba kuu sii dheer in aad Xumaanta ka asturto Qalbigaaga, Gacantaada iyo indhahaaga.

Qandaf Qandaf badan Aniga iyo Adiguba waan galnay ee Allaah ha naga Cafiyo.
Aamiin, Aamiin Aamiin.

Qore: Yahya Amir