1 min read

Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray magaalada Kismaayo.

Muqdisho.:- Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana munaasabadda goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Dhuumaal, Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed iyo saraakiishii tababarka bixinaysay.

Tababarkaan oo socaday muddo labo bilood ah waxaa bixinayey saraakiil ka tirsan ATMIS, waxaana askartaan la baray caafimaadka oo laf-dhabar u ah nolosha aadanaha, kaalin weyna ku leh marxaladaha dagaalka ay dowladdu kula jirto Khawaarijta.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa qeyb ka ah ciidamada geesiyaasha ee la doonayo in ay ciribtiraan haraadiga Khawaarijta Al-shabaab.