2 mins read

Caalamka oo ka walaacsan in ‘aalado’ iskood isu maamulaa, ay la wareegaan maamulka hubka nukliyeerka.

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay qabanayaan kulankii ugu horreeyey ee ku saabsan, halista uu Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey “Artificial Intelligence“, uu ku hayo nabadda iyo xasiloonida caalamka. Bishan July 18-keeda ayaa loo ballansan yahay in la qabto kulankii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagaga hadlo, halistan ku soo korodhay caalamka, waxaana kulankan gadhwadeen ka ah dawladda Ingiriiska.

Garaadka Macmalka ah ayaa loo arkaa inuu halis badan ku hayo, ammaanka dunida, maadaama uu awood u yeelan karo, inuu si madax banaan u adeegsan karo, hubka meelaha durugsan laga hago ama xataa hubka nukliyeerka oo ku xidhan aaladaha internetka ku shaqeeya.

Danjiraha Ingiriiska u fadhida Qaramada Midoobay ayaa Isniintii shaacisay, in dalkeedu uu horkacayo, sidii caalamku wax isaga weydiin lahaa halista barnaamijyada ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah ee horumarsan.

Shirkan ayaa la filayaa in lagu marti-qaado khubaro aqoon durugsan u leh, Garaadka Macmalka ah, iyo weliba Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, kaasoo toddobaadkii hore soo saaray qaylo dhaan ku aaddan, xawaaraha ay ku socoto, horumarinta barnaamijyada ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah.

Xoghayaha Guud ayaa hore u sheegay, isaga oo soo xiganaya, saynisyahanada iyo khubarada aqoonta u leh, in barnaamijyada ku shaqeeya Garaadka Macmalka ahi inay halis aad u weyn ku hayaan jiritaanka aadanaha, iyagoo horseedi kara in si fudud loo adeegsado hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inuu bisha September soo magcaabi doono gole ka soo talo bixiya Garaadka Macmalka ah ee horumarsan, kaasoo diyarin doona, qorshe ay ku hawlgasho Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay, inuu ku talo jiro, inay yagleelaan, hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay, oo si gaar ah isha ugu haysa, barnaamijyada Garaadka Macmalka ah, taasoo la mid ah, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlaha Nukliyeerka ee IAEA.

Garaadka Macmalka “Artificial Intelligence”

Aaladaha Computer-ada iyo barnaamijyada kale ee Internetka ku xidhan, ayaa caadiyan u baahan, inay helaan tilmaamaha iyo amarada aadanaha, si ay u qabtaan shaqooyinka iyo hawlaha ay fulinayaan. Hase ahaatee, Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey, ayaa haatan loo qaabeeyey, inuu ka maarmi karo, shaqada, tilmaamaha iyo amarada uga imanaya aadahana.

Si la mid ah, maskaxda aadanaha, barnaamijyada ku shaqeeya garaadka macmalka ah, ayaa u baahan inay helaan macluumaad aad iyo aad u faro badan, kaasoo ka caawin kara, inay si hufan u shaqeeyaan.

Garaadka Macmalka ah, ayaa laga soo minguuriyey, habka ay u shaqayso maskaxda aadanuhu.

AP