1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ballanqaaday in la dhamaystiri doono dastuurka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in si deg deg ah loo dhamaystiri doono Dastuurka dalka,Madaxweynaha ayaa ballanqaadkan sameeyey xili uu kumanaan Shacabka Soomaaliyeed ah khudbad dhinacyo badan taabanaysa ugu jeedinayey Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho maalinimadii 1-Da Luuliyo.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Wasaaraddaha iyo Haya”addaha kala duwan ee dowladdu qabteen shaqooyin la taaban karo oo hortebin leh isagoo carabka ku adkeeyey sida loogu guulaystay dib u xoraynta Dalka iyo qorshaha lagu sugay Amniga Caasimadda.

Mar uu ka hadlayey hindisaha dhamaystirka Dastuurka ayuu Madaxweynuhu xusay in Dastuurka Federaalka Soomaaliya qabyo ahaa 11 sanno balse hadda ay ka go’an tahay Dowladda in lagu dhamaystiro mudo kooban oo bilo ah.