1 min read

Madax fara badan oo Muslimiin aheyn oo difaacay diinta Islaamka iyo Kitaabka Qur’aanka.

Justin Trudeau

Rai’sul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau waxaa uu ka mid yahay madaxda reer galbeedka ee sida cad uga soo horjeedsaday Islaam naceybka.

Mr Trudeau ayaa sanadkii 2020 sheegay in Islaam nacaybka uu yahay wax aan la aqbali karin , wuxuuna wacad ku maray inuu dalkiisa ka dhigi doono mid ay ku ammaan helaan Muslimiinta.

Vladimir Putin

Madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ka mid ah madaxda aan Muslimiinta ahayn ee sida aan gambashada laheyn u difaacay Muslimiinta.

Waxaa uu si wayn uga soo horjeedsaday aflagaadada lagula kaco Nabi Maxamed (SCW) iyo guudahaan islaam naceybka.

Madaxweyne Putin oo khudbad ka jeedinayay bishii December ee aanu soo dhaafnay, ayaa sheegay in aflagaadad Nebi Maxmed (NNKH) aan lagu tilmaami karin”muujinta xorriyatul qowlka “.

Barack Obama

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Brack Obama ayaa intii uu xilka hayay waxaa uu si wayn uga soo horjeedsaday Islaam naceybka.

Waxaa uu difaaci jiray dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka isaga oo ka soo horjeestay in diintooda lagu cunsuriyeeyo.

Waxaa uu dadka Mareykanka ugu baaqa xilligaasi in Islaam naceybka lala dagaalamo.