1 min read

Wasiir Mukhtaar Roobow oo amray in si deg deg ah loo soo celiyo xujeeyda Soomaaliyeed

Muqdisho:-Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha xujeyda Soomaaliyeed ee Acmaasha xajka soo dhameeysaty,iyo adegyadii ay dowladda u qabatay xujeeyda muddada ay ku jireen gudashada waajibaadka xadka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dhinteen Afar xaaji oo ay laba dumar ay tahay,sidoo kale waxa u sheegay in la’layahy saddex xaaji oo baadi goob loogu jiro, xujeydii howlaha caafimaad u baahnaa oo gaarayay 60-xaaji ayuu wasiirku sheegay in daaweyntooda ay Wasaaradda kala kaashatay dowladda Sacudiga hadana ay caafimaad qabaan.

Sidoo kale wasiirka Mukhtaar Roobow ayaa amray in si deg deg ah dalka dib loogu soo celiyo xujeeyda Soomaaliyeed ee dhameystay acmaasha Xajka,waxa una u mahadceliyay Madaxeynaha Jamuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh,iyo Ra’isul wasaare Xamse, mudnaanta ay sanadkaan siiyeen arrimaha Xajeeyda Soomaaliyeed.