1 min read

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo Saraakiil Maraykan ah oo gaaray degmada Galcad ee G/Galgadud.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,Gen.Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay gobolka Galgaduud tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii June, ee sanadkan..

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo saraakiil Mareykan ah ayaa booqday furimaha dagaalka, wuxuuna tegay Galcad ee Gobolka Galgaduud halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale booqday Fariisimaha  ciidamadda dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo kuwa deegaanka ee ku yaalla duleedka degmada Galcad oo ka mid ah goobahii muddo  badan ay heysteen Al-Shabaab, balse lagala Wareegaay  .

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa Markii u garaydegmada Galcad waaxa uu   warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada ku sugan Farumaha dagaalka ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka war bixiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi.

Sidoo kale,  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo goobta ka hadlay ayaa Faah faahiyay Ujeedka safarkiisa, wuxuuna sheegay  inuu salka ku hayo isbarasho iyo kala xog-qaadasho.

Ugu dambeeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Amray ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi inay isku diyaariyaan Waejiga labaad Hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo la filayo inuu ka bilowdo qaybo badan oo ka tirsaan gobolada dalka.