Dowladda Soomaaliya oo wada dadalo la xiriira sidii hadal ay ula geli lahayd Maamulka Puntland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadalo la xiriira sidii hadal ay ula geli lahayd Maamulka Puntland, sida ay Warbahintaa Risaala u xaqiijiyeen Ilo wareedyo lagu kalsoom yahay .
Dawlada Federaalka ayaa walaac ka muujisay war dhawaan ka soo yeeray wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo dalbaday in la hakiyo Hannaanka Deyn cafinta Soomaaliya , inta laga Xalinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeya Madaxada Puntland iyo Dawlada Federalka Soomaaliya Heshiisna laga gaarayo Khilaafkaas.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxyooyada Soomaaliya ay wado dadaalo xalk loogu raadinayo Tabashada Puntland ay ka qabto Dawlada , sidoo kalenaVilla Soomaaliya ay bilaabay in ay xiriiraan Madxda Maamulka Puntland iyo siyaasiyiin si loo dhammeeyo khilaafka Taagan.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaya in deg deg loo bilaabo wada-hadalka labada dhinac, si heshiis siyaasadeed looga gaaro khilaafka Puntland kala dhexeya Madaxtooyada Soomaaliya , islamarkaana looga baaqsado in uu fashilmo barnaamijka deyn cafinta dalka.
Ma jira Ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Puntland eek u aadan in ay la soo xiriireen Xubno ka socda Madaxyooyada Soomaaliya si xalka looga gaarao khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya.