1 min read

Ololaha Qabuuro Faaga oo Magaalada Muqdisho ka socda !!!!.

Dowladdu lama socto miyaa Ololaha Qubuura Faagga ee ka socdo Magaaladda Mogadishu ?. Aniga ayaa indhaheyga ku soo arkay.

Waxaa ku filan in Amar la soo saaro oo la yiraa waa dambi, loona diro 10 ciidana oo kaliya.
Maxadda Dowladda waalidkood kuma aasno miyaa Magaaladda? Iyaga in Berri la faagi doono ma ogo miyaa?

Annagu waa gudanay waajibkii naga saarnaa Qofka Geeriyooday. Islaamku waxa uu qabaa in Qofka Geeriyoodo uu Afar Xaq nagu leeyahay. 1. In Meydka la dhaqo, 2. In la karfano, 3. In Salaatul janaaso lagu tukado. 4. In la aaso. Intiina waan gudanay.

Kuwa Qubuuraha fagayoow Islaamku waxa uu qabaa haddii Qof Meyd ah aad Laf ka jabiso in ay la mid tahay in aad Qof nool Laf ka jabisay oo Xaqeedii lagaa rabo.

Waxaa Calool xuma ah in Qof la yiraa la bax Meeydka Waalidkaa Dhulkaan waa iibdanayaa. Marka uu la baxayana la yiraa, keen Lacagtii Fasaxa la bixidda.
Quruuro Dad la dul dajiyo ayaan Dowladihii hore u nacnay, ee Hadda la bax Miyaa.
Waatii Abwaan Cabdulle Raage uu lahaa xafadda If iyo Aakhiro” Qabri Weli ku jiro, yaa korkii Qowlad ka ijaartay”

Aakhiro waraa jito.

FG: wixii ka lhaladan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore : Yahya Amir