1 min read

Qabanqaabadii Shirka 14aad Ururka Cilmibaarista Caalamiga ee Soomaaliyeediyo Dalladda Ururada Soomaaliyeed ee Sweden

Annagoo ku hadlayno magaca Guddiga Qabanqaabada Ee Shirka 14aad Ururka Cilmibaarista Caalamiga ee Soomaaliyeed iyo Dalladda Ururada Soomaaliyeed ee Sweden, waxaa sharaf noo ah in aan si rasmi ah kuugu casunno ka qaybgalka Shirweynaha 14aad ee Ururka Cilmibaarista Caalamiga Somaliyeed (Somali Studies International Association Congress).

Shirka waxa uu ka dhici doonaa magaalada Gothenburg ee dalka Iswiidhen. Goobta shirka uu ka dhacayo waa Jaamacadda Göteborg ee Qaybta Luuqadda Iyo Suugaanta, Kuliyadda Baniaadanimada (Humanities), Renströmsgatan 6 Göteborg Sweden. Waqtiga shirka waa Agoosto 8-12, 2023.

Fadlan booqo pageka Shirka 14th SSIAC2023 ee ah: https://www.gu.se/en/event/ssia21 si aad isu diiwaangeliso una soo gudbiso qoraalka aad u diyarisay shirka, oo aad u aragto inoow buxinayo barnaamijka shirka. Intaa waxaa dheer waxaa jiri doono muxaadarooyin ay soo jeedin donaan aqoonyahanno lagu casumay iyo tiro waraaqo ah oo si shaqsi ah loogu soo bandhigi doono goobta.

Waxaa kale oo lagu soo bandhigi doonaa shirka muuqaallo digital ah iyo muuqaallo horay loo duubay oo loogu talagalay in lagu soo bandhigo goobata shirka. Sidoo kale, waxaa jira barnaamij gaar ah oo ku saabsan soo bandhigid Bandhigga Dhaqeed iyo Buugaagta Soomaali ah oo ay ku kulmi doonaan qoraayada Somaliyeed ee caanka ah.

Waxaan rajeyneynaa in aad shirka ka soo qeybgeli doonto oo aan kuugu soo dhaweyno magaalada Göteborg oo ah wadnahii Iskandaneefiyanka 8-12 Agoosto 2023 iyo ka qeybgalka Shirka 14-aad ee Ururka Cilmibarista Somaliyeed (Somali Studies International Association 2023).
Mahadsanidiin.

Mr. Axmed Maxamed

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada SSIAC2023

[email protected] , Cellphone: +46708319316 (Whatsupp)

Mr. Hassan Adan

Doctoral Candidate Gothenburg University
Xubin ka tirsan Guddiga qabanqabada SSIAC2023  Mr. Tomas Magnusson

Journalist, Somali expert and Swedish peace leather   Mr. Abdulkadir Abukar Sheikh
Macallin afka Soomaaliga iyo turjubaan afka Soomaaliga

Contact:  [email protected], Cellphone: +46760304996 (Whatsupp)