1 min read

Guriga duqa msgaalada Paris L’Haÿ-les-Roses oo xalay la weerary.

Habeenimadii xalay, dad ayaa baabuur ku dhuftay guriga duqa magaalada Paris ee kuyaalla xaafada L’Haÿ-les-Roses, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Weerarku wuxuu dhacay abaaro 01:30 (23:30 GMT), markaas oo Vincent Jeanbrun uu ku sugnaa xafiiskiisa.

Xaaskiisa iyo labo caruur ah oo uu dhalay ayaa hurdayay markii kooxihii weerarka geystay oo aan la garaneyn ay albaabka ka soo galeen kadibna ay gubeen gaariga.

Markii xaaskiisa iyo caruurtiisa yar yar ay isku dayeen inay baxsadaan ayaa waxaa ku dhacay walxaha dab bixiya ee kor loo tuuro taasoo keentay in xaaskiisa iyo mid ka mid ah caruurta ay dhaawacmaan.

Waxay ahayd “isku day dil oo fulaynimo aan la sheegi karin”, duqa magaalada Jeanbrun ayaa yiri. Booliiska ayaa bilaabay baaritaan.