1 min read

Dowladda Sweden oo ka hadashay kitaabka Qur’aanka kariimka ah ee lagu gubay dalkeeda.

Gubashada Qur’aanka: Dowladda Sweden oo cambaareysay gubitaanka Qur’aanka kariimka ah, waxayna u aragtaa fal Islaam-naceyb ah.

Dowladda Sweden ayaa cambaareysay falkii uu ku gubay nin u dhashay dalka Ciraaq oo degenaa dalka Sweden, kitaabka Quraanka Kariimka ah ee lagu gubay afaafka hore ee Masjidka weyn ee magaalada Stockholm, iyadoo u aragta waxa uu sameeyay inuu ahaa fal Islaam-diid ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Dowladda Sweden waxay si buuxda u fahansan tahay in falalka liddiga ku ah Islaamka ee ay shaqsiyaadka ku kaceen dibadbaxyada Sweden ay noqon karaan kuwo meel ka dhac ku ah Muslimiinta”.

War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray “Waxaan si adag u cambaareyneynaa falalkan, kuwaas oo aan sinaba uga tarjumayn aragtida dowladda Sweden” iyadoo sidoo kale xustay in xoriyatul qawlku ay tahay xuquuq dastuuri ah oo Sweden ka jirta.

hadalkan ayaa yimid kadib markii Ururka Iskaashiga Islaamka uu ugu baaqay xubnahooda inay qaadaan tillaabooyin looga hortagayo inay soo laabtaan falalka noocaan oo kale ah, kadib banaanbaxyo dadweyne iyo cambaareyn rasmi ah iyo mid islaami ah oo ku aadan dhacdadan.