1 min read

Nin Aflagaadeeyay Nabi Muxamed CSW oo lagu dilay gudaha dalka Nigeria.

Nin ayaa lagu dilay woqooyiga dalka Nigeria kadib markii lagu eedeeyay in uu aflagaado diineed geystay.

Usman Buda oo magaalada Sokoto ee woqooyiga dalkaasi ka ah hilible ayey “dad muslimiin ah weerareen kuwaas oo dhawwacyo daran u geystay,” sidaas waxaa lagasoo xigtay afhayeenka booliska Sokoto Ahmed Rufa mar uu la hadlayey wakaaladda wararka ee AFP.

Markii ay boolisku soo gaareen goobta, “dadku meesha way ka carareen iyaga oo ka tagay ninkan oo miyir daboomay”, ayuu kusii daray.

Usman Buda ayey boolisku daweyn u qaadeen ka dib markii ay goobta kasoo badbaadiyeen balse dhimnashadiisa waxaa lagu xaqiijiyey isbitaalka.

Masuuliyiinta amaanka ayaa hadda raadinaya dadka ku eedaysan in ay ka dambeeyeen dilka ninkan.

Waxay AFP werinaysaa in Buda loo dilay ka dib muran dhex ku saabsan ilmo yar oo dawarsanayey kaas oo lacag weydiistay.Waxay AFP soo xiganaysaa qof goob jooge ah oo sheegay in uu muranku bilowdayy kadib markii uu wax u diiday ilmaha. Ka dib waxa uu ku dhawaaqay hadallo aflagaado ah oo ka dhan ah Nebi Muxamed (NNKH).

Muuqaal argagax leh oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad dhagxaan ku bartilmaameedsanaya nin marka uu turunturoodo oo sii dhacaya.

Isagoo arrintaas ka jawaabaya, guddoomiyaha gobolka Sokoto, Axmed Cali “wuxuu ugu baaqay shacabka gobolka inay isdejiyaan oo ay mar walba ilaaliyaan sharciga”, balse wuxuu intaas ku daray in dadku aysan sameynin wax hoos loogu dhigayo shakhsiyadda Nebi Muxamed NNKH.

Bishii May ee sanadkii hore ayay ahayd markii gabar ardayad ah ay weerar ku qaadeen arday Muslimiin ah oo wax ka baranaysay jamacad ku taalla magaalada Sokoto, kuwaasi oo dilay kadibna meydkeeda dab qabadsiiyey. Waxaa lagu eedeeyay aflagaaddo diineed.