1 min read

Muuse Biixi: “Somaliland maalin qura weerar kuma qaadin Laascaanood..”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Xaaladda cakiran iyo dagaalka dib uga soo cusboonaaday Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay rabshada ka jira Magaaladaas.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dad badan ay dhintaan, dhaawacmaan oo barakacaan sababo la xiriira in dad aanay u tureen oo danahooda gaarka ah eeganaya ay xabbad ku dul billaabaan waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Nabadda la raadinayo ayuu sheegay in cidda baahida ugu badan u qabta ay tahay Bulshada Magaalada Laascaanood maadaama dhibka weyn uu soo gaaray una baahan yihiin in laga boogo-dhayo waa sida uu yiri.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku baaqay in la joojiyo faragelin ka baxsan Magaalada Laascaanood oo halkaas ka jirta si Nabadda iyo kala dambeynta dib loosoo celiyo waa sida uu ku yiri khudbadda uu jeediyay ee uu uga hadlay xuska 26ka June.

Arrinta Laascaanood, Somaliland maalin qura weerar kuma qaadin Laascaanood, xabadna ma billaabin in lagu soo rido mooyaanee, madaafiic ayaa lagu soo tuuray Ciidanka Somaliland, xaq buu ciidanku u leeyahay in uu jawaab bixiyo marka lagu soo duullo, Ciidanka Puntland ee gaarka loo tababaray & unugyo katirsan ‘AS’ ayaa ka dagaalamaya” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dagaallada ka socda Magaalada Laascaanood ayaa billowday 6dii Febaraayo 2023, waxaa ka dhashay dhimashada dad ka badan 100 ruux, dhaawaca boqolaal kale halka ay barakaceen ku dhawaad 300 oo kun oo ruux.