1 min read

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in ciidamadiisu sii joogi doonaan Soomaaliya bixitaanka ATMIS kadib.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya laga yaabo in ay halkaas ku sii sugnaadaan xita ka dib dhamaadka hawlgalka ATMIS.

Ruto ayaa sheegay in dalalka safka hore ee Kenya, Uganda, iyo Itoobiya ay go’aansadeen in ay ka dib dhacaan muddada loo qabtay si aysan u lumin guulaha la gaaray.

“Waxaan go’aansanay haddaan nahay dalalka safka hore ee Uganda, Kenya, iyo Jabuut inaan ku sii jirno hawlgalkan haddii loo baahdo, waxaanan u aragnaa inay lama huraan tahay inaan ka sii dib dhacno jadwalka dhimista ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, si aynaan u lumin hormarrada aan samaynay iska bixitaankeenna awgii ka dibna ay Al Shaab helaan fursad ay masraxa dib ugusoo laabtaan.”