1 min read

Ingriiska miyaa naga gardaran?.

Winston Churchill oo Mar ahaa Ra’iisul wasaarahii Dalka Ingriiska ayaa yiri: Haddii aad rabto in aad ogaato Garaadka Shacab ku nool Dal kale, Waxaad fiirisaa Xildhibaanada ku Matalo Baarlamaankooda.


Markaas waxaad ogaanee in uu yahay Shacab u qalmo in aad Ubax ku soo dhaweeyso ama in uu yahay Shacab u qalmo in aad Kabo ku tuuryeeyso.

Ar xildhibaanadeena na matalo Xaalkoodu waa sidee?

Xildhibaanada ugu Badan Baarlamaanka Somalidu waa kuwa heysto Dhalashada Ingriiska, markii iigu dambeysay waxa ay ahaayeen dhowr iyo Afartan. Ingriisku waxa uu heeystaa dhamaan Faylkooda ( CV. Personal Data) waxa uu ogyahay mid kasta intii uu ingriska joogay Noloshiisii oo dhan, halkii uu ka soo shaqeyay.
Dhalasha Boqoradda ingriiska kuligood waxaa lagu casuumaa Safaaradda Ingriiska ee Mogadishu oo lagula dardaarmo.

Haddii Shacabka Somalidu uu la xiriiro Dowladda Ingriiska ma Ubax ayeey nagu soo dhaweynayaan mise Kob ayaay Nagu tuurayaan?

FG. Xildhibaanadda Somali/UK iga qaleeya Nooh.

Qore: Yahya Amir