1 min read

Wariye u dhashay Mareykanka oo loo haysto Basaasnimo lagu soo eedeeysay.

Maxkamad ku taal Moscow ayaa diiday racfaan uu weriye ushaqeeyo Wall Street Journal, Evan Gershkovich, ka qaatay.

Ninkan u dhasahy Mareykanka ayaa la xiray saddex bilood ka hor, isagoo lagu eedeeyay basaasnimo.

Safiirka Mareykanka ee Moscow Lynne Tracy ayaa ku tilmaantay eedeymahaas kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, iyadoo sheegtay in saxafiga si qalad ah loo xiray.

Eedeymaha basaasnimada ayaa ugu badnaan qofka lagu xukumaa ilaa labaatan sano oo xarig ah.

Mr Gershkovich waa wariyihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo lagu eedeeyo in uu howlo basaasnimo ah uu kawaday Ruushka tani iyo dagaalkii qaboobaa.