1 min read

Wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo caqabado wajahaya.

Dowladda Soomaaliya iyo ciidamo ka socda wadamada safka hore oo kaabaya ayaa diyaar garow ugu jira wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda ayaa horey u sheegtay in wajigii hore ee dagaalka ay ku guuleystay, oo ay Al-Shabaab ay ka saartay dhul badan.

Haatan, diyaar garowgu waxa uu ku soo aadayaa iyadoo rabshado iyo khilaafaadyo ay ka soo cusboonaadeen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka dowladda federalka Soomaaliya..