1 min read

Haweenayda Madaxda ka ah hay’adda USAID oo cambareysay kooxaha ku dagaalamaya Sudan.

Madaxa hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee USAID ayaa cambaaraysay dhinacyada isku haya dalka Suudaan oo malaayiin qof ay u baahan yihiin gargaar balse aan la gaari karin sababo la xiriira xabbad joojinta marar badan la jebiyay.

Mar ay wareysi siineysay BBC-da ,Samantha Power ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta rayidka ah ee Suudaan inay meesha ka saaraan carqaladaha maamulka ee hoos u dhigaya in gargaar lagaarsiyo dadka dhibaateysan.

Waxay sidoo kale sheegtay inay kamurugeysantahay rabshada qowmiyadeed ee kajira Darfur awgeed ay dadka qaar ay u qaxaan dalka Chad markii afaraad.