1 min read

Ciidamo ka tirsan Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Kenya oo dhaawac soo gaaray.

Ugu yaraan laba ka mid ah ciidamada ilaalada madaxtooyada Kenya ayaa dhaawacmay kaddib markii gaari ay la socdeen uu kula qalibmay waddo ku taalla degmada Naivasha ee gobolka Rift Valley.

Baabuurkan ayaa ka mid ahaa kolonyada gaadiidka madaxweynaha oo Arbacadii dib ugu soo laabtay magaalada caasimadda ee Nairobi, ka dib markii madaxweyne William Ruto uu ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayay tartanka orodka gawaarida adduunka ee WRC Safari Rally ee kadahacaya Naivasha.

Mr Ruto ayaa la sheegay in aanu saarneen baabuurka markii uu shilkaas dhacayay maadaama uu ku safray diyaarad kuwa qumaatig a ukaca ah.

Ma cadda waxa sababay shilkan. Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in darawalka uu isku dayay in uu ka leexdo waddo aad qaloocan.

Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaal halkaasi ku yaalla, si halkaasi loogu dabiibo.