1 min read

Shiinaha oo lagu eedeeyey inuu jabsaday boqolaal hay’adood iyo wasaarado, caalamka oo dhan ah

Shirkad qaabilsan ammaanka Computer-ada oo laga leeyahay Maraykanka oo lagu magcaabo Mandiant ayaa Khamiistii sheegtay in kooxo abaabulan oo taageero ka helaya dawladda Shiinuhu inay jabsadeen aaladaha computer-ada ee boqollaal shirkadood oo caalamka oo dhan ku kala yaalla, kuwaas oo ay ku jiraan, hay’ado dawli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay.

In ku dhow 30% aadalaha la jabsaday waxaa iska leh dawlado kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo ay ku jiraan wasaarado arrima debedeed oo hayey shaqooyin muhiima.

Charles Carmal oo ah madaxa farsamada ee shirkadda Mandiant ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay, basaasnimadii ugu ballaadhnayd ee dhinaca Internetka ee ay qaaddo dawladda Shiinuhu, waxaana tallaabadan la fuliyey horraantii sannadkii 2021.

Computer-ada loo dhacay ayaa gaadhaya, tobanaan kun oo computer.

Shirkadda ayaa sheegtay in farsamooyinka loo adeegsaday in loo dhaco aaladaha computer-adan, inay sabab u ahayd, ka dib markii kooxdani ka warheshay, in qaar ka mida cinwaanada email-ada ee laga isticmaalo dunidu, inay leeyihiin, meelo sahlan oo ay fududahay in loo dhaco cidda adeegsanaysa ama computer-ada lagu isticmaalayo.

Kooxahan wax basaasaya ayaa fariimo emailo ah u diray hay’adaha iyo wasaaradaha ay bartilmaameedsadeen. Markasta oo fariintaas la furona, waxay awood u yeesheen inay si qarsoon u xadi karaan macluumaadka ku kaydsan.

Xogtan ayaa tilmaamaysa in ururadaas ay 55% ku yaalliin Ameerica, halka 22% ay ku yaalliin Asia, 24% Yurub, Bariga dhexe iyo Africa.

AP