1 min read

Madaxwehnihii hore Sheekh Shariif oo dalka dib ugu soo noqday.

Waxaa magaalada Muqdisho soo dhaween loogu sameeyay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Soo dhaweenta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Xildhibaannada labada ee Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Siyaasiyiin horay xilal kala duwan dalka ugu soo qabtay iyo qaar ka mid ah Bulshada Rayidka.

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ahna xubin ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay xaaladda uu hadda dalka ku jira mid ka adag uu soo maray, lana rajeynayo in dhawaan laga baxo.

Imaanashaha Madaweynihii hore ee Soomaaliya ayaa imaaneysaa xilli todobaadkii hore uu baaqday kulanka Golaha Shacabka ka gadaal markii uu buuxsami waayay, taas oo keentay in Xildhibaannada maqan loogu baaqay in ay dalka dib ugu soo laabtaan.