2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 361=Haddii Sirtaada aad ilaalinee, Tan Dalkana ha hilmaamin ee ilaali=

1. Sirtaada Cidna hala wadaagin, Xattaa Imaamka Masaajidka. Waxaa dhici karto in khudbada Masjidka uu ku soo qaato. Akhwaan Jamaacada ka mid ah ayaa ii sheegay. Kadibna Dadku ku mala awaalaan.

( Haddii Sirtaada aad ilaalinee, Tan Dalkana ha hilmaamin ee ilaali)

2. Gaalkacyo Tubada Biyaha laga cabo ee loogu jecelyahay waa Tubada Laba xiniinyood. Dadka waxaa loo sheegay in Biyaha Tubadaa laga cabo, Geesi lagu noqdo. ( F. S: 1aad)

( Ar, Xayeeysiin iyo Ganacsataa)

3. Waxaa Maskaxdeyda Gali waayay Hayadda Hawada Sare ee Mareykanka NASA waxa ay heshaa “Data” Fariimo laga soo diray Xiddig Meera ah oo noo jiro 4.67 Billion Mile. Anigana waxaa mar mar khadka ka baxo WIFI Signalka Qolkeeyga fadhiga.

( Waxaa naloo sheegaa Run ma wada yihiin? )

4. Axmadeey ayaa yiri: Saaxiibteey waxaan is baranay Jimcihii aad ayaan uga helay. Sabtigii waxaa ka dhamaaday Barafuunkii iyo kareemkii jirka, waan u soo iibiyay. Axadii waxaa ka dhamaaday Gaaskii Cuntada lagu karinayay. Isniintii Mobile-kii ayaa Biyo uga dhacay. Talaadadii Kiradii Guriga ayaa laga rabay. Arbacadii Hooyadeed oo xanuunsan ayaa isbitaal loo qaaday. Maxaan sameeyaa? ( F. S: 2aad)

( Jaceeylkaagu yuuna ka xowli badin, Jeebkaaga. Haddii kale waxaad yeelanee Naaneys ah Daanyeer)

5. Robert Mugabe, ayaa yiri: Jiilka Hadda jiro ee Wiilasha iyo Gabdhuhu waxa ay nooga duwan yihiin. Xubnihiisa gaarka ah (private part) Qofka kale waa taaban karaa. Laakin Qofna Qofka kale uma ogolo in uu Mobile-kiisa Taabto, hadda mobile-kii ayaa loo ilaaliyaa sida Cowrada, mobile kii ayaa leh password Sir ah, laakin jirka ciwradiisu male password. ( F. S: 3aad)

( Haddii aad rabto in sirta Mobile-kaagu kuu qarsanato oo aan la taabto, ha ogolaan in jirkaaga sirta kuugu qarsan la taabto)

6. Robert Mugabe, ayaa yiri: Afrikaanku weligood ma nastaan, Xatta dhimashada kadib waxa ay u shaqeeyaan Faracooda. ( F.S:4aad)

( Somaliya, Odaygii dhintay magaciisa ayaa qabiil ahaan loogu shaqeeysaa ama Dad lagu dulminaa).

Qore:Yahya Amir