1 min read

Kenya oo ku dadaalaysa wada hadal toos ah oo ay la gasho dhinacyada isku haya Suudaan

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa muujiyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in uu kulan fool-ka-fool ah la yeesho jeneraalada isku haya Suudaan si loo xalliyo dhibaatada halkaas ka taagan.

Waxa uu sheegay in Kenya – iyada oo ah guddoomiyaha “quartet-ka” ee dalalka gobolka ee ku saabsan Suudaan oo ay sidoo kale ku jiraan Itoobiya, Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan – “ay ka go’an tahay inay si fool ka fool ah ula kulmaan labada dhinac si loo helo xal waara”.

Dagaalka ayaa Sudan ka socday tan iyo 15-kii April u dhexeeya ciidamada, oo uu horkacayo taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan, iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF oo uu hogaaminayo taliye ku xigeenkii hore ee militariga Mohamed Hamdan Dagalo, oo sidoo kale loo yaqaan Hemedti.

Dhanka kale Hoggaamiyeyaasha Kenya, Itoobiya, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya ayaa tobanka maalmood ee soo socda si fool-ka-fool ah ula kulmi doona dhinacyada isku haya Suudaan, si ay xal nabadeed ugu helaan colaadda taagan, ayuu Madaxweyne William Ruto ka sheegay Isniintii Golaha caadiga ah ee 14-aad ee Golaha madaxda IGAD