1 min read

Maxkamad diiday amarkii booliska Sweden ay ku mamnuuceen gubitaanka Kitaabka Quraanka ah

StockHOLM — Maxkamad racfaan ah oo ku taalla dalka Sweden ayaa Isniintii sheegtay, inaanay boolisku awood sharci u lahayn, inay diidaan ama hor-istaagaan mudaharaado la qorsheeyey oo la doonayey in lagu gubo Kitaabka barakaysan ee Quraanka Kariimka ah.

Ka dib markii bishii January ee sannadkan lagu gubay Kitaabka Quraanka ah ee barakaysan, barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee Stockholm ku taalla, ayaa arrintaasi waxay dhalisay cadho xooggan oo ka timi dunida Muslinka, horseeddayna mudaharaaddo lagu dalbanayo inaan la iibsan dhammaan alaabooyinka ay soo saarto Sweden, sidoo kale arrintani waxay cirka ku laashay rajadii dalka Sweden ee ahayd, inay ku biiraan isbahaysiga NATO.

Bishii February, waxaa markale codsi gudbistay laba kooxood oo qorsheeyey inay barxadda hore ee safaaradaha Turkiga iyo Ciraaq ku gubaan, kitaabka Quraanka ah, hase ahaatee arrintaas waxaa diiday ciidamada booliska ee dalkaas, iyaga oo sheegay, in tallaabadii bishii January inay Sweden ka dhigtay mid bartilmaameed u ah weerarada.

Hase ahaatee arrintaas waxaa racfaan ka qaatay, dhinacyada soo abaabulay labada mudaharaad, iyaga oo maxkamadda geeyey kiiskooda.

Maxkamadda ayaa sheegtay in amarka iyo dhibaatada amni ee boolisku sheegay, inaanay lahayn tilmaamo cad oo ku xidhaya, in mudaharaadada la qorsheeyey ay sababi karaan dhibaato degdeg ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in go’aankeeda laga qaadan karo racfaan, isla markaana loo qaadan karo maxkamadda sare.

AFP