1 min read

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay Horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qeybo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose, ku khaarajiyay Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyada Khawaarijta iyo Shan ka mid ah ilaaladiisa.

Horjoogahan la dilay oo lagu magacaabi jiray “Abu Sahal” ayaa lagu khaarajiyay howlgal qorsheysan oo ciidamada Qaranku ka fuliyeen mid kamid ah degaanada hoos tagta magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale, Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa Howlgal ay ka sameyeen Tuulada Aaboden oo hoostagta Magaalada qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose, ku burburiyay Shan Baabuur oo ay wateen maleeshiyaadka Khawaarijta, isla markaana laayay dhammaan maleeshiyaadkii  saarnaa.

Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa gobolka Jubada Hoose ka socday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka, kaasi oo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta.