June 12, 2023
Shirka urur goboleedka IGAD oo Jabuuti ka socda.
Shirka urur goboleedka ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah dalalka bariga Afrika ayaa ka socda magaalada Jabuuti oo xaruntiisa cusub laga dhagax dhigay. Waxaa kasoo qayb galay madax ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Kenya, Soomaaliya, Koonfur Suudaan iyo raysal wasaaraha Itoobiya. Shirka waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin […]
Jabuuti iyo Kenya oo ku heshiiyey dalkugal bilaash ah.
Kenya iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyey inay meesha ka saaraan shuruudihii dal ku galka ee muwaadiniintooda si kor loogu qaado ganacsiga iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay bogga internet-ka ee warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Capital FM 11-kii June. Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Geelle oo dakiisa kusoo dhaweeyay, ayaa […]
Kooxda Al Ahly ee dalka Masar ayaa ku guuleysatay koobka Horyaalada Afrika.
Kooxda Al Ahly ee dalka masar ayaa markii 11-aad ku guuleysatay koobka Horyaalka Afrika. Kooxda Al Ahly ayaa barbaro 1-1 ah la gashay kooxda Wydad Casablanca ee dalka Morocco ciyaartii finalka ee lugtii labaad oo ka dhacday dalka Morocco,waxana ay isku cel-celis ahaan ku soo badisay 3-2. Ciyaaryahanka Al Ahly Mohamed Abdelmoneim ayaa dhaliyay goolka […]
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi oo geeriyooday
MILAN — Silvio Berlusconi, ra’iisul wasaarihii hore ee qaabeeyey saaxada siyaasadda iyo dhaqanka Talyaaniga, isaga oo iska riixaya fadeexado sharci iyo kuwa gogol dhaaf oo dhowr ah, ayaa geeriyooday isaga oo 86 jir ah, waxaa sidaas AFP u xaqiijiyey afhayeenkiisa. Ganacsadaha ka taajiray warbaahinta ayaa waxaa Jimcihii la dhigay isbital ku yaalla magaalada Milano, si loogu […]
Shir Madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti.
Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Jabuuti ee waddanka Jabuuti in uu ka furmo Shir Madaxeedka 14aad ee Madaxweynayaasha iyo Ra’iisul Wasaarayaasha wadamada ku midoobay Urur Goboleedka IGAD oo ay kamid tahay Soomaaliya. Shirkaan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay ku […]
Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku qabtay Warshad lagu farsameynayay Maandooriye.
Ciidamada Booliska ee sida Millateriga u tababaran ayaa howlgallo xoogan waxaa ay xalay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyada oo lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya iyo dad ka Ganacsanayay. Saraakiisha Ciidamada Boolisa Millatari ayaa sheegay in howlgalkan ay uga jawaabayeen cabasho uga timid Jameecada Masjid Guri ku dhegan lagu farsameeynayay […]
Erdogan oo safarkiisii u horeeyay ee dibadda ku tagaya Khubrus iyo Azerbaijan.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqashadiisii ugu horreysay ee madaxtinimadiisa saddexaad ku tagaya Waqooyiga Qubrus iyo Azerbaijan si la mid ah kuwii hore. Erdogan, oo maanta booqan doona Waqooyiga Qubrus, ayaa berri tagi doona Azerbaijan. Madaxweyne ku xigeenka Cevdet Yılmaz ayaa talada dalka sii hayn doona inta uu booqashada ku jiro Erdogan.
Sacuudiga oo ku dhawaaqay qorshihiisii ugu ballaarnaa ee Xajka.
Madaxa labadda masjid ee barakaysa, ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqay qorshaha hawl-galka ee xajka ee sanadkan, oo aad iyo aad u ballaaran. Qorshaha howlgelinta oo ballaaran, ayaa waxaa ku dhawaaqay Dr. Abdulrahman bin Abdulaziz Al-Sudais, iyadoo uu goob joog ka ahaa wasiirka Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga, Dr. Tawfiq bin Fawzan Al-Rabiah. Qorshaha […]