1 min read

Erdogan oo safarkiisii u horeeyay ee dibadda ku tagaya Khubrus iyo Azerbaijan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqashadiisii ugu horreysay ee madaxtinimadiisa saddexaad ku tagaya Waqooyiga Qubrus iyo Azerbaijan si la mid ah kuwii hore.

Erdogan, oo maanta booqan doona Waqooyiga Qubrus, ayaa berri tagi doona Azerbaijan.

Madaxweyne ku xigeenka Cevdet Yılmaz ayaa talada dalka sii hayn doona inta uu booqashada ku jiro Erdogan.