25 Jul, 2024
1 min read

Shir Madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti.

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Jabuuti ee waddanka Jabuuti in uu ka furmo Shir Madaxeedka 14aad ee Madaxweynayaasha iyo Ra’iisul Wasaarayaasha wadamada ku midoobay Urur Goboleedka IGAD oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay ku hoyday dalkaasi Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya Meertada 14-aad ee IGAD oo sanadkaan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka Madaxweynaha ayaana soo bandhigi doona doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Hoggaamiyaasha dowladaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudan, mideynta dadaallada heer gobol ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada , xoojinta isdhexgalka gobolka,  nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in shirka diirada lagu saari doono howlaha ay Soomaaliya ka hayaan Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo si tartiib ah uga baxaya Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxaa uu shirar doceedyo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka socotay Urur Goboleedka IGAD ee ka qeyb galaya Shirkaas.

Shir Madaxeedka wadamada IGAD oo sanad walba la qabto ayaa waxaa looga hadlaa caqabadaha guud ee kajira wadamada IGAD, waxaana sanadkaan iirada lagu saarayaa dhibaatooyina kajira dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.