1 min read

Kooxda Al Ahly ee dalka Masar ayaa ku guuleysatay koobka Horyaalada Afrika.

Kooxda Al Ahly ee dalka masar ayaa markii 11-aad ku guuleysatay koobka Horyaalka Afrika.

Kooxda Al Ahly ayaa barbaro 1-1 ah la gashay kooxda Wydad Casablanca ee dalka Morocco ciyaartii finalka ee lugtii labaad oo ka dhacday dalka Morocco,waxana ay isku cel-celis ahaan ku soo badisay 3-2.

Ciyaaryahanka Al Ahly Mohamed Abdelmoneim ayaa dhaliyay goolka barbaraha ciyaarta oo ay ka harsan tahay 13 daqiiqo.

Wydad ayaa ku garaacday kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Al Ahly go’aaminta sanadkii hore ee Casablanca.

Horyaalka Afrika ayaa tobanaan sano waxaa gacanta ku hayay kooxaha Waqooyiga Afrika. Xulalka gobolka ayaa badiyay 16 ka mid ah 23-kii tartan ee ugu dambeeyay ee koobkan.