4 mins read

Sacuudiga oo ku dhawaaqay qorshihiisii ugu ballaarnaa ee Xajka.

Madaxa labadda masjid ee barakaysa, ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqay qorshaha hawl-galka ee xajka ee sanadkan, oo aad iyo aad u ballaaran.

Qorshaha howlgelinta oo ballaaran, ayaa waxaa ku dhawaaqay Dr. Abdulrahman bin Abdulaziz Al-Sudais, iyadoo uu goob joog ka ahaa wasiirka Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga, Dr. Tawfiq bin Fawzan Al-Rabiah.

Qorshaha ayaa wuxuu diiradda lagu saarayaa dhawr qeybood oo waaweyn, oo la xiriira himilooyinka istiraatijiyadeed ee dowladda, ee ku wajahan Xajka sanadkan 1444-ta ee Hijriyada oo ku salaysan Hiigsiga boqortooyada Sucuudiga ee 2030-ka.

Al-Sudais oo khudbad dheer ka jeediyay madasha warbaahinta, ayaa waxa uu yiri “Qorshaha hawlgelinta xajka ee sanadkan waa kii ugu ballaarnaa ee soo mara madaxtooyada lagaga arrimiyo Sucuudiga, kadib markii uu dhamaaday xanuunka cudurkii Covid19, isla markaana lagu dhawaaqay dib usoo celinta arrimihii xujaajta kuwaasoo gaaraya malaayiinta, sida ku cad nidaamka isku dhafan ee adeegyada ay diyaariyeen hoggaanka.”.

Waxa uu intaa ku daray in qorshahani uu yahay mid lagu kordhinayo guulaha muuqda, iyo himilooyinka fog ee lagu soo bandhigay awaamiirta kasoo baxday Xukuumadda, oo uu ugu horeeyo Ilaaliyaha Labada Masjid ee Barakeysan Boqor Salmaan iyo Dhaxalsugaha Boqortooyada, kuwaasi oo si dhow ula socda dhammaan adeegyada loo fidiyo Xujaajta.

Dhinaca adeegyada dadka looggu gargaarayo samafalkana ah, Al-Sudais, ayaa waxa uu sheegay in Madaxtooyadu in ka badan 8,000 oo shaqaale iskaa wax u qabso ah ay ka hawl galisay labada Masjid ee Barakaysan oo toban goobood ah, iyo in ka badan 200,000 oo saacadood oo iskaa wax u qabso ah in la shaqeyn doono, inta lagu guda jiro xilliga Xajka.

Si kor looggu qaado doorka hanuuninta ee labada Masjid ee Xaramka, ayaa mas’uulka wuxuu carrabka ku adkeeyay in madaxtooyadu ay bixiso adeegyo tarjumaad, hagid goobeed, iyo macluumaadka xujeyda, oo ku qoran 51 luqadood oo caalami ah, taasoo laga qeybin doono 49 saldhig.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dr. Tawfiiq Al-Rabiah, ayaa intii uu socday daahfurka qorshaha howlgelinta ka hadlay is dhexgalka, iyo isku xirka Wasaaradda Xajka iyo Madaxtooyada guud ee Arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga, ee loogu adeegayo xujeyda. gaar ahaan iyadoo tirada xujeydu ay malaayiin qof ugu soo noqdeen, isla markaana ay u fidiyeen adeegyadii ugu wanagsanaa, si ay ugu gutaan cibaadadooda xasillooni iyo raaxo.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kolkani waxay shaaca ka qaadeen qorshihii ugu ballaarnaa ee abid, kaasoo la xiriira gudashada waajibaadka Xajka ka hor xilliga xajka ee soo socda, iyadoo xannibaadihii tirooyinka dadka la qaaday markii ugu horreysay, tan iyo markii uu dillaacay cudurkii dunida aafeeyey ee COVID-19.

Shaqaale gaaraya 14,000 oo shaqaale ah, iyo in ka badan 8,000 oo mutadawiciin ah, ayaa la geyn doonaa garoonka, si ay u caawiyaan malaayiinta xujeyda ah ee la filayo inay sanadkan ka qeyb qaataan Xajka.

Xajka, oo ah gudashada waajibaadka ee sanadlaha ah ee lagu tago magaalada barakeysan ee Maka ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa la filayaa inay bilaabato 26-ka June – iyadoo la sugayo ku dhawaaqista rasmiga ah ee mas’uuliyiinta.

“Qorshaha hawlgelinta xajka ee sanadkan, waa kii ugu balaarnaa ee soo mara boqortooyada Sucuudiga, kadib markii uu dhamaaday xanuunka cudurkii Covid19, iyo ku dhawaaqista soo laabashada xujeyda ee heerkii malaayiinta ahaa, sida ku cad nidaam adeeg oo isku dhafan oo ay diyaariyeen dadka wax garadka ah, “Madaxa Guud ee Arrimaha Labada Masjid ee Xaramka Dr. Abdulrahman al-Sudais ayaa bayaan uu soo saaray sidasi ku yiri.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa qaaday xayiraadii lagu soo rogay tirada xujeyda loo ogolaaday inay soo gutaan xajka, markii ugu horeysay tan iyo markii uu cudurka Coronavirus bilowday. Illaa 2.6 milyan oo qof, ayaa la filayaa inay ka qayb qaataan cibaadada mid kamid ah shanta tiir ee Islaamka sanadkan.

Wadar dhan 300,000 oo musxafka Qur’aanka Kariimka ah, ayaa lagu qeybin doonaa Masjidka Xaramka ee Maka iyo Masjidka Nabiga ee Madiina, sida uu sheegay al-Sudais.

Waxa kale oo la heli doonaa aqoon-is-weydaarsiyo quraan akhris iyo xifdin ah.

Waxa kale oo uu maamulka labada masjid 40 Milyan oo Litir oo Biyaha Zamzam ah ka qaybin doontaa Labada Masjid ee Barakaysan, iyadoo laga qaybin doono in ka badan 30,000 oo goobood, halka ugu yaraan laba milyan oo dhalo la siin doono Xujayda maalin kasta.

Farsamada dhijitaalka ah oo ay ku jiraan codsiyada moobeelada gacanta iyo robot-yada goobaha, ayaa la isticmaali doonaa, si kor looggu qaado fududeynta adeegyada cibaadaysiga si guud.

Xigasho: BBCSomali