1 min read

Kuuriyada Koonfureed oo walaac ka muujisay dhoolatuska militari ee Shiinaha iyo Ruushka.

Ciidamada Shiinaha iyo Ruushka ayaa si wadajir ah u dhoola tus ugu sameeyay qeybo ka mid ah Bariga Aasiya, taasi oo keentay in Kuuriyada Koonfureed ay gasho diyaar garow dagaal.

” Labada ciidan waxay si wada jir ah u sameyeen dhoola tuskoodii lixaad oo wadajir ah, si waafaqsan qorshaha sanadlaha ah ee iskaashiga milatariga ee u dhexeeya Beijing iyo Moscow, ayay tiri Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua.

Wakaaladda ma bixin macluumaad dheeri ah oo ku saabsan tirade ciidamada iyo nooca diyaarada ka qeyb qaadanaya dhoola tuska, inkastoo ay sheegtay in ubucda dhoola tuska uu yahay dhulkan u dhaxeeya gacanka u dhaxeeya Kuuriya, Japan, Shiinaha iyo Jasiirada Taiwan.

Kuuriyada Koonfureed oo walaac ka muujisay arrinkan ayaa ku baaqday in la xoojiyo xasiloonida gobalka iyo in la xaq dhowra derisnimada.