1 min read

Hay’adda MSF oo ka digtay dhibaato caafimaad oo ka dhalan karta Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee magaceeda loo soo gaabiyo MSF ayaa ka digtay in dhibaato caafimaad oo ballaaran ay qarka u saaran tahay xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Hay’adda ayaa sheegtay in xanuunka shuban biyoodka uu bilooyinkii la soo dhaafay faro ba’an ku hayay xeryahaas.

Kumannaan qof oo ka soo barakacay Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii tegay gaaray Dhadhaab, waxaana arrinkaa ka dhashay culays dhanka caafimaadka .