1 min read

Ciidanka xoogga dalka oo jab culus gaarsiiyay Maleeshiyaadka Al-Shabaab

Howlgal qorsheysan oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-shabaab, ayaa ka socda duleedka deegaanka Baladdul Amiin ee Gobalka Shabeellada hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsanayaa maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo si qarsoodi ah isugu aruursanayay beer ku taalla deegaanka Baladudul Amiin.

Jab xoog leh ayaa lagu gaarsiiyay khawaarijta howlgalka qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibbada Caalamka, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.