June 5, 2023
Wiilkii Mucamar Al-Qadaafi oo cuntada ka soomay isagoo xabisi ku jira muddo dheer.
Mid ka mid ah wiilal uu dhalay hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi ayaa cuntada ka soomay si ay uga mudaharaadan muddada dheer ee uu ku xirnaa dalka Lubnaan, sida uu sheegay qareenkiisa Paul Romanos. Hannibal Al-Qadaafi ayaa in ka badan 8-sano lagu hayay dalka Lubnaan, kaddib markii ay kooxo hubeysan oo Lubnaaniyiin ah kasoo […]
Ergayga cusub ee QM u soo magacaawday Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho.
Catriona Laing oo u dhalatay Dalka Britain ahna Wakiilka Gaark ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, ayaa si Diiran loogu soo dhaweeyay Gegida Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho. Catriona Laing, ayaa bedelaysa James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka kaasi oo Xogayaha Guud ee […]
Real Madrid oo dooneysa Harry Kane bedelka Karim Benzema oo macsalaameynaya kooxda reer Spain
Harry Kane ayaa hogaaminaya liiska ciyaartoyda Real Madrid ee ay raadinayso badalka Karim Benzema. Kane, oo 29 jir ah, ayaa qandaraaskiisa Tottenham waxaa uga haray hal sano, iyadoo aan weli la go’aamin mustaqbalkiisa kooxeed. Bixitaankii Benzema ka dib 14 sano oo uu kooxda joogay ayaa keentay in kooxda reer Spain ay u baahato weeraryahan cusub. […]
Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic oo sheegay in uu ciyaaraha ka fariisanayo
Laacibka AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta isagoo 41 jir ah, isagoo soo afjaray mid ka mid ah waayihiisa casriga ah ee ugu quruxda badanaa. “Waan macsalaameeyay kubbadda cagta laakiin idinka idin mamacasalaameynin ”. Ibrahimovic ayaa horay ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda uu katirsanyahay ee AC Milan. Ibrahimovic ayaa […]
Mustafe Cagjar oo ku amaanay dawladda Itoobiya inay garab u tahay muslimiin, xilli la duminayo masaajidada Itoobiya.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Cagajar ayaa sida tan bartiisa Faceboogga kusoo qoray sida tan”Taariikhda Itoobiya dawlad Muslimiinta dalku ay ka heleen xorriyadda diimeed, xuquuqaha siyaasadeed, muujinta(shacaacirta) diintooda inta ay ka heleen Dawladda uu Hoggaamiyo RW Abiy Ahmed iyo Xisbiga Barwaaqo ma jirto. Way haboon tahay in laga gilgisho wixii dhibaatooyin ah […]
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada Askarta lagu dilay weerarkii Masagawaay.
Kadib markii todobaadkii hore Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Masagawaay oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa dowladda Soomaaliya markii ugu horreysay ay shaacisay tirada Askarta lagu dilay weerarkaas. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa sheegay in Ciidamada […]
Ciidanka Nabadsugida K/Galbeed oo soo bandhigay 10 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Taliska Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kusoo bandhigey 10 xubnood oo ka mid ahaa Ururka Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ayaa sheegay in 10-ka Xubnood ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen Jabhadaha weerarada geysta, iyaga oo kasoo howlgalay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose Shabeelada dhexe ,Mudug […]
Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku qabtay waxyaabaha Maanka dooriya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka Amniga kusoo bandhigeen Maandooriye iyo dadkii ka ganacsanayey, kadib howlgal laga fuliyay Degmada Kaaraan. Goobta lagu soo bandhigay Maandooriyahan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qeybta guud […]
Ruushka oo sheegay inay dileen 250 askari oo Ukraine ah.
Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay inay fashilisay weerar culus oo ciidamada Ukraine ay kusoo qaadeen, ayna ku dileen 250 askari oo Ukraine ah. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Kyiv, sidookale sheegashada Ruushka si madax bannaan looma xaqiijin. Wasaaradda difaaca Ruushka waxa ay sheegtay in Ukraine ay axaddii weerar kuso […]
Sacuudiga oo dhimaya xadiga shidaalka uu maalintii soo saaro.
Wadamada saliida soo saara ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan dhimista wax soo saarka si ay kor ugu qaadaan qiimaha caalamka. Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay dhimi doonto hal milyan oo fuusto maalintii (bpd) bisha Luulyo waxayna Opec+ sheegtay in bartilmaameedyadu hoos u dhici doonaan 1.4 milyan bpd dheeraad ah laga bilaabo 2024. Opec+ ayaa […]