1 min read

Wiilkii Mucamar Al-Qadaafi oo  cuntada ka soomay isagoo xabisi ku jira muddo dheer.

Mid ka mid ah wiilal uu dhalay hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi ayaa cuntada ka soomay si ay uga mudaharaadan muddada dheer ee uu ku xirnaa dalka Lubnaan, sida uu sheegay qareenkiisa Paul Romanos.

Hannibal Al-Qadaafi ayaa in ka badan 8-sano lagu hayay dalka Lubnaan, kaddib markii ay kooxo hubeysan oo Lubnaaniyiin ah kasoo afduubteen dalka Suuriya, halkaasoo uu gabaad ka dhiganayay burburkii iyo geeridii aabbihii, ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hannibal Gaddafi waxaa qabtay maamulka Lubnaan, waxaana tan iyo markaas lagu hayaa xabsi ku yaalla Beirut, isagoo aan maxkamad la soo taagin, ayuu yiri Romanos.