1 min read

Real Madrid oo dooneysa Harry Kane bedelka Karim Benzema oo macsalaameynaya kooxda reer Spain

Harry Kane ayaa hogaaminaya liiska ciyaartoyda Real Madrid ee ay raadinayso badalka Karim Benzema.

Kane, oo 29 jir ah, ayaa qandaraaskiisa Tottenham waxaa uga haray hal sano, iyadoo aan weli la go’aamin mustaqbalkiisa kooxeed.

Bixitaankii Benzema ka dib 14 sano oo uu kooxda joogay ayaa keentay in kooxda reer Spain ay u baahato weeraryahan cusub.

Victor Osimhen oo Napoli u ciyaara, Lautaro Martinez oo Inter Milan ka tirsan, Kai Havertz oo Chelsea ka tirsan iyo Dusan Vlahovic oo Juventus ka tirsan ayaa sidoo kale liiska bartilmaameedyadaee Real madrid ku jira.

Laakin kooxdan14-ka jeer ku guuleysatay horyaalnimada Yurub ee Real ayaa si weyn ula dhacsan gooldhaliyaha ugu sarreeya England ee Kane, waxaana ay rajo ka qabaan ka bixitaanka dhowr ka mid ah kuwa ugu dakhliga badan xagaagan inay caawin karto dalabkooda.

Marka lagu daro bixitaankii Benzema, Eden Hazard, Marco Asensio iyo Mariano Diaz ayaa sidoo kale ka tagaya Madrid xagaagan.

Gudoomiyaha Tottenham Daniel Levy ayaa doonaya inuu Kane ku sii hayo kooxdiisii ​​caruurnimada, waxaana sidoo kale jirta inuu ku doonayo in ka badan 100 milyan.

Kane ayaa dhaliyay 280 gool kadib 435 kulan oo uu u saftay Spurs.

Horay ayay u sii hayeen, laba xagaa ka hor markii uu isku dayay in uu u dhaqaaqo Manchester City.

Balse, iyadoo Spurs aysan awoodin inay kasoo muuqato Champions League xilli ciyaareedka soo socda, Kanena uusan weli ku guuleysan koob weyn, mustaqbalka weeraryahanka ee waqooyiga London ayaa weli ah mid aan cadeyn, Real ayaana rajeyneysa in rabitaanka koobabka waaweyn ay soo jiidan doonto inuu u dhaqaaqo Spain.

Laacibka ku guuleystay Ballon d’Or Benzema, oo 35 jir ah, kaasoo kooxda Isbaanishka kaga soo biiray Lyon 2009, ayaa kaga tagay Real beeca xorta ah, isagoo kula guuleystay Madrid shan Champions League iyo afar horyaal oo La Liga ah.