1 min read

Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic oo sheegay in uu ciyaaraha ka fariisanayo

Laacibka AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta isagoo 41 jir ah, isagoo soo afjaray mid ka mid ah waayihiisa casriga ah ee ugu quruxda badanaa.

“Waan macsalaameeyay kubbadda cagta laakiin idinka idin mamacasalaameynin ”. Ibrahimovic ayaa horay ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda uu katirsanyahay ee AC Milan.

Ibrahimovic ayaa 511 gool u dhaliyay gool kooxo ay ka mid yihiin Paris St-Germain, Manchester United, AC iyo Inter Milan, isagoo sidookale ku guuleystay horyaal afar wadan ah.

Ibrahimovic wuxuu bilaabay shaqadiisa labaad ee AC Milan horaantii 2020, isagoo ku guuleystay abaalmarinta Scudetto 2011, wuxuuna ka caawiyay inay mar kale ku guuleystaan ​​horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

Zlatan Ibrahimovic ayaa hadda katirsan xulka wadankiisa Sweden iyo AC Milan.