1 min read

Ergayga cusub ee QM u soo magacaawday Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho.

Catriona Laing oo u dhalatay Dalka Britain ahna Wakiilka Gaark ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, ayaa si Diiran loogu soo dhaweeyay Gegida Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.

Catriona Laing, ayaa bedelaysa James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka kaasi oo Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guteres uu ku amaanay sida howlkarnimada iyo hogaanka wanaagsan ee uu u gutay waajibaadkiisa xilligii adkaa ee uu joogay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

Munaasabadda soo dhoweynta Ms. Catriona Laing oo ka dhacday Garoonka Aadan Cabdulle, waxaa halkaas ku soo dhoweeyeen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Daud Aweys Jaamac iyo Xoghayaha Joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow, Saaraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Cutubyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta DHaqanka iyo DALXIISKA Daud Aweys Jaamac, ayaa warbaahinta Qaranka la wadaagay Soo dhaweynta Catriona Laing.

Ms. Catriona Laing oo hadal ka jeedisay soo dhaweynta kadib ayaa u sheegtay warbaahinta Qaranka in ay sii wadi doonto howlaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

3-dii bishii May ee sanadkan, ayay ahayd markii xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guteres uu ku dhawaaqay magacaabista MS. Catriona Laing si ay u gudato howlaha Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.