1 min read

Ruushka oo sheegay inay dileen 250 askari oo Ukraine ah.

Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay inay fashilisay weerar culus oo ciidamada Ukraine ay kusoo qaadeen, ayna ku dileen 250 askari oo Ukraine ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Kyiv, sidookale sheegashada Ruushka si madax bannaan looma xaqiijin.

Wasaaradda difaaca Ruushka waxa ay sheegtay in Ukraine ay axaddii weerar kuso qaaday gobolka Donetsk oo ay adeegsatay lix batalyan oo mechanized ah iyo laba taangi.

Ilaa iyo hadda ma cadda in weerarrada la sheegayo ay muujinayaan in uu billowday duullaanka dib loogu qabsanayo dhulka Ukraine ee ciidamada Ruushka.