1 min read

Mareykanka oo qirtay in weeraro Duqaymo ah ka gaystay degmada Jilib.

Hogaanka Afrika ee Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in 20-kii May, 2023 ay fuliyeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah fariisimaha Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Weerarka ayaa ka dhacay magalada Jilib ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in weerarka ay ku beegsadeen bartilmaameedyo gaar ah, oo ay kadhasheen khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.