1 min read

Mareykanka oo sheegay in la dhaawacay hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah.

Hawlgalka Militariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab lagu dhaawacay duqayntii 20-ka May Maraykanku ka gaysteen magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Taliska AFRICOM oo ka jawaabayey su’aal ay VOA weydiisay ayaan magacaabin hoggaamiyaha al-Shabaab ee la bartilmaameedsaday.

AFRICOM waxay sheegtay in qiimaynta lagu sameeyey hawlgalkaas in mid ka mid ah hoggaamiyayaasha al-Shabaab lagu dhaawacay.

Hawlgaka AFRICOM ayaa sheegay in hawlgalkan iskaashi lagala sameeyey dawladda federaalka ee Soomaaliya.

AFRICOM waxay sheegtay inaan dad rayid ah waxba kasoo gaarin duqayntan.

Hawlgalkan ayaa imanaya iyadoo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku joogaan dalkan Maraykanka.

Mahad Salaad iyo wafdigiisa ayaa muddo toddobaad ah oo ay joogeen dalkan Maraykanka kulamo la yeeshay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka, iyo kuwa hay’adaha CIA iyo FBI.

Sarkaal codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay idaacadda VOA inay labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga amniga iyo la-dagaalanka argagixisada ee labada waddan.