1 min read

Muxuu yahay adeega cusub ee ay Whatssapp soo kordhisay?

 WhatsApp ayaa sheegtay inay u oggolaan doonto isticmaaleyaasha inay tafatiri karaan fariimaha, tallaabadaas la mid tahay qaab ay bixiyaan shirkadaha ay tartan ka dhaxeeyo sida Telegram iyo Signal.

Shirkaddu waxay sheegtay in fariimaha la tifaftiri karo ilaa 15 daqiiqo ka dib marka la diro.

Adeegga Whatsapp ayaa katirsan shirkadda weyn ee tignoolajiyada Maraykanka laga leeyahay ee Meta, taas oo sidoo kale leh Facebook iyo Instagram.

Wahatsapp ayaa hadda waxaa isticmaasha 2 bilyan oo qof waxaan ugu badan Hindiya oo ah suuqa ugu weyn, oo ay isticmaalaan 487 milyan.