2 mins read

Gabar ka qaxday dagaalkii Tigray oo kaalinta labaad ka gashay tartanka quruxda ee Miss Black Belgium 2023.

Gabar dhalinyaro ah oo magangalyo weydiistay Belgium ka dib markii ay ka soo carartay colaada Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad tartanka quruxda Miss Black Belgium 2023.

Rahwa Kinfe ayaa BBC-da u sheegtay in ay aad ugu hanweyntahay in ay soo bandhigto dhaqanka iyo qiyamka Tigrayga ee fagaarayaasha caalamka.

Ms Rahwa ayaa sheegtay in inta badan tartamayaasha ay dalkooda ku mataleen tartanka balse aysan ka qeyb galin. Waxay sheegtay in loo ogolaaday in ay matasho gobolkeeda Tigray ka dib markii ay u sheegtay qabanqaabiyeyaasha in uu leeyahay calan, dhaqan iyo taariikh u gaar ah.

“Dad badan ayaan garanayn waxa Tigrayga ka dhacay,” ayay tiri, iyadoo ku dartay inay ku faraxsan tahay inay awood u yeelato inay ka hadasho tacaddiyada la sheegay in loo geystay haweenka Tigrayga intii lagu jiray dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee billowday November 2020-kii.

Dagaalkan oo dhamaaday bishii November ee sanadkii hore kadib markii ay heshiis nabadeed kala saxiixdeen dowlada federaalka iyo hogaanka Tigrayga ayaa sababay dhimashada dad lagu qiyaasay nus malyuun qof oo rayid ah oo ku nool gobolka.

Dumar iyo gabdho badan ayaa loo geystay kufsi iyo tacadiyo dhanka galmada ah intii ay socdeen dagaalada, kuwaas oo ay diiwaan galiyeen hay’adaha xuquuqul insaanka.

Rahwa, oo aaday Belgium bishii Maarso ee sanadkii hore, waxay ku dhalatay kuna kortay magaalada taariikhiga ah ee Aksum, ee gobolka Tigray.

Waxa ay muddo shan sano ah u shaqaynaysay shirkadda diyaaradaha ee qaranka. Waxay sheegtay in iyada iyo qaar badan oo Tigree ah oo markaas ku noolaa caasimadda Addis Ababa iyo magaalooyin kale loo xiray “aqoonsigoodaawgeed” ka dib markii uu qarxay dagaalka sokeeye.

“Saaxiibaday badan ayaa la xiray, mana haysan meel aan ka baxo. Markii la i sii daayay, waxaan u imid Belgium si aan noloshayda u badbaadiyo,” ayay u sheegtay BBC-da.

Waxay sheegtay in tartanka uu furay fursado kale. Waxay sheegtay in la siiyay “Tigid Dahab ah” oo u oggolaanaya inay si toos ah ugu tartanto tartanka Miss Belgium.