3 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 357=Ma jaceel Faqiir galaa, mise waa leeys gaadaa oo Beenaa la isku sheegaa?=

1. Nin Caaqil ahaa ayaa Nin Reer Baadiyo ahaa ku yiri: Makuu sheegaa Saddax walxaad oo Dadku kugu jeclaanayaan. Reer Baadiyihii ayaa ku yiri: Maya, ha ii sheegin. (F.S: 1aad)

( Ma xeey kula tahay Saddaxda wax ee loo sheegi lahaa, muxuuse ku diiday? )

2. Nin Reer Baadiyo ahaa oo Doobnimo aad ugu raagay, ayaa Gabar loo aroosiyay, Habeenkii ay Aqal galeen ayaa Saaxibadii waxaa ay ka maqlayeen Aqalka, Caruuskii Reer Baadiyaha oo ku celcelinayo Alloow Hal Bil nooga dhig iyo Allow marka Nafta iga qaad.
Subaxdii ayey weeydiiyeen, waxa xalay oo dhan uu Alla ka baryaayay. Waxa uu yiri: xaasidiin ayaad tihiin maxaad mar hore iigu guuri weeydeen. Macaanta Biya baxa ayaan u bogay. Waxaan lahaa Allow nus daqiiqadaan Biyuhu naga baxayaan ee macaanta badan nooga dhig Hal Bil hanaga qulqulaanee, Anana aan ku macaansanee. Waxaa kale oo aan lahaa Alloow Haddii Nafta la iga qaadayo ka dhig marka aan Biya baxayo, Daqiiqadaa ayaanan wax xanuun ah dareemeeyne. (F. S: 2aad)

( Caruuskaa Baadiyaha iyo Adiguba ma ogtihiin Galmadda Janadda dhaxdeeda ah Rag iyo Dumarba aan la Biya bixo. Galmada oo dhamiba ay ka wada macaan badan tahay Biya baxa, oo Ahlu jannahuhu aynan Biya bixin. sidoo kalena Jannada dhaxdeeda lama Saxaroodo, lana kaadiyo, wax kasta oo aad cabto ama aad Cunto.
Macaani Aduunyo ma taal ee Tacbo tan Jannada ee aan dhamaan lagana daalin, oo aan weliba la Hurdin ileeyn Hurdada Daalaa keeno, jannadana laguma daalo)

3 . Haddii aad aragto Nin Murqahiisa oo kaliya dhisayo oo aan Maskaxdiisana dhiseyn, u sheeg in uu u shaqey doono mid Maskaxdiisa dhisay.( F. S: 3aad)

( Laacibiinta ugu caansan Aduunku waxa ay u shaqeeyaan kuwo maja dhuudhuuban oo Calool buuran oo aan jirkooda dhisin, laakin Maskaxdooda dhisay)

4. Gabar dhar ka soo amaahatay, Gabar saaxiibadeed ah ayaa u tageeyso Wiil Qol ka soo amaaheystay saaxiibkii. ( F. S: 4aad)

( Ma jaceel Faqiir galaa, mise waa leeys gaadaa oo Beenaa la isku sheegaa? )

5. Imaam Abii Xaniifa RC oo ka cabsanayo Masuuliyad ah in uu Qaali noqdo, ayaa Boqorku ku yiri: imaam Abii Xanafiyow Qaalli ka noqo Magaaladda. Abii Xanafi waa diiday, Isaga oo leh Qaalli ma noqon karo Masuuliyaddaana kama bixi karo.
Boqorkii ayaa yiri: waa noqon kartaa ee Been ayaad sheegee. Abii Xaniifa ayaa ku jawaabay, Jawaab Taariikhda gashay oo yiri: Boqorow, Adaaba sheegay in aanan noqon karin hadiiba aan ahay beenloow.

Beenlowna Qaali ma noqdo, Abii Xanafina Been laguma aqoon, sidaa ayuuna isku badbaadiyay

( Ar Annagu amaan Beenloowyaal Qaalli ka dhiganay, kuwii hore Qaalinimada waa Diidi jireen, ee hadda ameey noo joogaan kuwo iyagu Doonaa Qaallinimada )

6. Wiil Ciyaalka Xaafadda ahaa ayaa lagu yiri: Saaxiibtaa ayaa jaceylkaaga dartii isku dishay. Waxa uu yiri: Haddii ey dartey isku dishy maxey warqad cadeeyn ah iigu qori weeyday. Si aan Gabdhaha kale ugu faano in ay Gabari mar hore darteey isku dishay. ( F. S: 5aad)

( Gabarey, ha is dilin, haddii aad is disho, ogow Nin aynan Murug ku heyn is dilidaadu ayaa Gabdha kale ugu faanaa, Aakhira Ciqaabtu waa kuu kaligaa).

Qore: Yahya Amir