1 min read

Al-qaacida oo sii deysay dhakhtar 88 jir ah oo u dhashay Australia isla markaana u xirnaa 7 sanno.

Dhaqtar u dhashay dalka Australia da’diisuna ay gaareyso 88 jir ah oo ay Al-Qaacida ku haysteen Galbeedka Afrika in ka badan 7 sano ayaa la sii daayay.

Dr Kenneth Elliott waa uu badqabaa waana uu wanaagsan yahay waxa uuna dib ula midoobay qoyskiisa, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Australia.

Isaga iyo xaaskiisa ayaa la xirtay sanadkii 2016-kii waxa laga qabtay meel u dhow xadka u dhaxeeya Mali iyo Burkina Faso, halkaasi oo ay xarun caafimaad ku lahaayeen in ka badan 40 sano.

Al-Qaacidada Maqribul Islaami ayaa sheegtay xilligaasi in ay afduubteen lamaanahaasi.

Kooxda ayaa sii daysay xaaskiisa Jocelyn kadib saddex toddobaad sababo la xiriira cadaadis dadweyne iyo wax ay ku tilmaameen hagid ka timid hoggaamiyeyaashooda oo ahaa in aan haweenka aan laga qaybgelin dagaalka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Australia Penny Wong ayaa qirtay geesinimada Dr Elliott iyo qoyskiisu ay muujiyeen xilligii xaaladahu ay adkaayeen.

Asal ahaan waxa ay ka yimaadeen Perth, Dr Elliott iyo xaaskiisa waxay isbitaal ay yaallaan 120 sariirood ku lahaayeen magaalada Dijbo ee Burkina Faso halkaas oo uu ka ahaa dhakhtar keligiis ah.

Xariggooda kadib, dadka deegaanka ayaa bilaabay bog Facebook ah oo ay ugu ololeynayaan sii deyntooda.

Al-Qaacidada Maqrib (AQIM) iyo kooxaha kale ee xagjirka ah ee waqooyiga iyo galbeedka Afrika ayaa muddo dheer afduub ahaan u adeegsan jiray dhaqaale ururin.

Sanadkii 2013-kii, gumeystihii hore ee Faransiiska ayaa 5,000 oo askari u diray Mali si ay ula dagaalamaan kooxda iyo xulafadeeda, waxaana 2020 uu dilay hogaamiyihii AQIM Abdelmalek Droukdel.

Balse Faransiiska ayaa isaga baxay sanadkii hore iyadoo dalka Mali aan laga jecleyn sababo la xiriira howlgalkiisa militari.