1 min read

Zelensky oo eedeeyn usoo jeediyay qaar kamida madaxda wadamada carabta.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Carabta inay “iska indha tireen” duulaanka Ruushka, iyadoo ay wararku sheegayaan inuu qorsheynayo inuu ka qeyb galo shirka G7 ee Japan.

Waxaa la filayaa in madaxweynaha Ukraine uu Axadda gaaro magaalada Hiroshima si uu u helo taageero milateri oo dheeraad ah oo ku aaddan weerarka qorsheysan.

Jimcihii, Mr Zelensky wuxuu ku sugnaa Sacuudi Carabiya oo uu ka qayb galay shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Wadamada Jaamacadda Carabta, kaliya Suuriya ayaa si cad u taageertay duulaanka Ruushka. Dawladaha kale ee xubnaha ka ah waxay isku dayeen inay xiriir wanaagsan la yeeshaan Moscow.

“Nasiib darro, waxaa jira kuwo kale oo adduunka ah iyo xitaa kuwo idinka mid ah oo indhaha ka qarsada Dhibanayaasha dagaalka iyo xabsi sharci-darro ah,” ayuu yiri Mr Zelensky.

“Waxaan halkan u joogaa qof walba inuu si daacad ah u eego, si kasta oo ay Ruushku isku dayaan inay ku qanciyaan, waa inay weli jirto xorriyad.”

Mr Zelensky ayaa sidoo kale u sheegay madaxdii isugu timid magaalada Jeddah in dalkiisu uu iska difaacayo gumeystaha.