1 min read

Mid ka mid ah Markiiba kalluumeysiga Shiinaha oo ku caariyay badweynta Hindiya

Xukuumadda Beijing, ayaa maanta oo Arbaca ah  ku dhawaaqday, in badweynta Hindiya uu ku caariyay mid ka mid ah Markiibtooda kalluumeysiga, taas oo keentay in la waayo dhammaan shaqaalahii saarnaa oo gaarayay 39 ruux.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa amray in la billaabo howl-gal baaritaana ah oo lagu baadi goobaya Shaqaalahii markabkan, ku waasi oo  isugu jiray 17 Shiinees ah, 17 Indonesia ah iyo 5 ruux oo Filibiin u dhashay, sida lagu sheegay warbixinta.

Markabkan la waayay ayaa sida la shaaciyay waxaa leh shirkad Shiineeys ah oo lagu magacaabo Bangali Jinglu Fishery Co, oo ah shirkad ka ganacsato kalluunka.

Dawladda Shiinaha ayaa bilawday howlgalo degdeg ah oo lagu  oo lagu baadi goobaya Shaqaalaha Markabka la waayay, kuwaasi oo ay qeeyb ka yihiin safaaradaha dalalka Australia, Sri Lanka, Maldives, Indonesia, Philippines iyo dalal kale.

Dalka Shiinuhu ayaa la shegaa inuu leeyahay maraakiibta kalluumaysiga ee ugu badan adduunka, Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo  (FAO) ayaa warxin ay baahisay sanadkii 2022-kii ku sheegtay in Beijing ay leedahay Maraakiib Kalluumeeysi oo gaaraya 564,000 oo Markab.